|
London,(insidesomlaia.org)- Waxaa haduu Eebe idmo, maalinimada Jimcaha ee inagu soo beegan 29-ka Bishan Agoosto 2008, ka dhici doona Magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska Kulan balaaran oo loogu talo galay xusida Halgamaayaashii Soomaaliyeed ee ururkii xoriyad Doonka Soomaaliyeed ee SYL.
Kulankan ayaa qeyb ka ah Barnaamij taxane ah oo lagu xusayo Taariikhda Soomaaliya iyo kaalintii ay Dhalinyaradii Soomaaliyeed ka qaateen xoriyad doonkii dalka Soomaaliya iyo dhismihii dal iyo dowlad Soomaaliyeed oo madax banaan.
Kulankan waxaa ka soo qeyb qaadan doono Waxgarad iyo Aqoonyahano ku xeel dheer dhinaca Taariikhda Soomaaliya iyo qaar kamid ah cuqaasha kasoo qeyb qaatay dadaalkii hore ee Taariikhdii mideynta Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili uu dalka Soomaaliya ku jiro burbur baaxadleh iyo kala qeyb sanaan qabiil, ayadoo in badan oo ubbadka soo koraya ay illaaween aynana xasuusan taariikhdoodii ay usoo halgameen Aabayaashii dalka Soomaaliya.
Waa kulankii ugu horeeyey oo noociisa ah oo lagu qabto magaalada London ayadoo lagu wado in ay kasoo qeyb galaan dad aad u badan oo daneeya arrimaha Taariikhda Soomaaliya, iyo waliba Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska iyo Yurub.
Kulankan ayaa ka dhici doona:
Taariikhda: Jimce / Friday
29/08/2008
Saacada: 17:00 UK Time
Goobta: School Of Oriental & African
Studies
www.soas.ac.uk
10 Thornhaugh St
London, WC1H 0XG
|